Qorshehawleed-keenna
Qarash Hooseeya, Xawli-Sarreeya
Intarneedka Qoysaska Dakhliga-Hooseeya
Qorshehawleed-keenna
Qarash Hooseeya, Xawli-Sarreeya
Intarneedka Qoysaska Dakhliga-Hooseeya
Qoysaska maanta hadday ugu baahi badan yihiin xiriirinta Intarneedka guriga mar kastoo kale. 10 sano, Internet Essentials waxay ku xiriirisay wadar la aruurshay oo ka badan 10 milyan oo Maraykana dhammaan fursadaha Intarneedku soo bandhiga - laga bilaabo waxbarashada iyo ucarbinta xirfadaha shaqada ilaa ilaha daryeelka caafimaadka.
Waxaan la wadaagnaa bulshooyinka aagga ahmiyadda ay leedahay xiriirinta iyo bixinta adeegga internet qarash-hooseeya (sidoo kale kombuyuutarro!) oo uu weheliyo tababbar lacag-la'aana si waxtarkeeda loo hanto iyadoo badqab leh. Annagoo ah barnaamijka qaayibka internet-ka ee ugu ballaaran qaranka, waxaan nahay kuwo ka dhabeeya qorshehawleed-kayaga awood-siinta macaamisha-yada iyo annagoo bulshooyinka ka haqabtirna farsamada.
Internet-ku waa war-gudbiaa Daawo macaamiishayada oo khibradahooda wadaagaya iyagoo adeegsanaaya erayadooda.
Qaddari meeshaad joogto, si markaas aad u awooddo inaad korto oo aad sii socoto."
"HaysashadaInternet Essentials waxay noloshayda ka dhigtay mid wanaagsan oo suurtogalnimadu u korortay."
"Waxaa Seygayga loo dallaciyay korjooge. Waxaan aad ugu faanayaa qoyskayga
"Meel-celintu waxay hadda leedahay ilo dheeri. Waaan cilmibaaris ku hayaa barnaamijyada kulliyadda."
Internet Essentials waxay u mahadnaqayaan tobonnaanka kun oo lawadaagayaasha bulshada kuwaas oo la wadaago aragtidayada waxayna wax ka tiraan kor-u-qaadista wacyiga waxaana sidaas lagu fuliyaa horsed iyo dhacdooyin la abaabulo. Waxaan casumaynnaa qof kasta oo rumaysan barnaamij-kayaga, iyo qiimaha internet-ka guriga, si qofkaasi ugu soo biro xayndaab-kayaga wadaagnimo.
Markay nahay Comcast, shaqaalahayagu waxay ku nool yihiin, ka shaqeeyaan, oo ku caabudaan is la xaafadaha macaamiishayada-sidaas awgeed daacad u-ahaanta bulshooyinku waxay ku milan tahay wax kastoo aan samaynno. Sidaas awgeed bay in ka badan 3,000 shaqaale isugu xilqaameen inay noqdaan Ambbaasatoorrada Internet Essentials, iyagoo saaxibbadood iyo darisyadooda la wadaagaaya xogta barnaamijkayaga ku saabsan. La kulan dhawr Ambbaasadoor-radayada iyagoo sheegaya sababaha qaarkood oo sababay inay isxilqaan waqtigooda ku bixiyaan.
Ilaa intii 2011, Internet Essentials ay ugu soo xiriirisay in ka badan 10 milyan oo ardaya, waalidiina, askar hore ah, -iyo waayeel Intarneedka xawliga-sarreeya guryahooda. Waxaan rumaysanahay in dhammaan dadka Maraykanku ay xaq u leeyihiin fursado loo siman yahay si markaas loo kooraysto waxtarka xooggan ee intenet. Booqo goobta iskaashata-dayada oo wax ka soo baro sida Comcast ay u isticmaalayso awoodda xiriirinta si nolosha dadka kor loogu qaado oo adduunka looga meel fiican.
Caawi si erayga ku saabsan Internet Essentials loo faafin lahaa.
Ma jiraa qof saaxiiba ama xigto ah oo laga yaabo inuu u qalmo Internet Essentials? Hubi inaad iyaga la socodsiiso arrimaha barnaamijka si ay markaas ugu raaxaystaan faa'iidooyinka intarneedka guriga oo qiimihiisu jaban yahay, oo leh xawli sarreeya!